1: Saturday, June 7, 2014 - 17:37:58
2: 44 Jeer.

Saraakiil ka tirsan AMISOM oo deeq raashiin maanta geeyay Qoryooleey

Waxaa Qoray:

Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta Boqolaal Qoys oo ku nool degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose gaarsiiyay deeq dawo ah oo ay ciidamadu ugu deeqeen dadkaasi.

Maamulka degmada Qoryooleey ayaa sheegay in ilaa 500 oo qoys ay ka faa’ideysteen deeqda ciidamada AMISOM ay qeybiyeen.

Ciidamada AMISOM ayaa sameeyay baaritaano bilaash ah islamarkaana loo sameeyey dadka aan dhaqaalaha haysan ee ku nool degmada Qoryooleey.

Degmada Qoryooleey ayaa waxaa ka taagan  Mudooyinkaan  Xaalad adag oo iskugu jirta Cuno yari iyo Caafimaad daro ,waxaana daawooyinka maanta Qoysaskaas loo qeybiyey ay noqoneysaa mid Wax uun u tari karta.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨