1: Tuesday, June 4, 2013 - 09:12:07
2: 956 Jeer.

Safiir Ameerika oo si kulul uga hadlay kulankii dhex maray Uhuru Kenyatta iyo Aasaasayaasha Jubbaland.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Safiirka Jamhuuriyadda Somalia u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameerika), ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Kulankii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta la qaatay Aasaasayaasha Maamulka Jubbaland.

Maxamed Cali Nuur (Ameerika), waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid lagu kala dhantaalaayay Awooda ay Xukuumadda Somalia ku dhex leedahay Dowladaha Caalamka, waxa uuna ku micneeyay kulankaasi mid lagu sii hurinaayay Siyaasadaha ka dhex taagan Dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

2-ok1

Danjire, Maxamed Cali Nuur (Ameerika), waxa uu sheegay in kulankaasi ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Ra’isul wasaarihii Hore Somalia Omar C/rashiid, Wasiirkiisii Gashandhiga Prof Gaandi iyo Xubno daneynaayay kala geynta Somalia.

Sidoo kale, Waxa uu Danjiraha sheegay inay la socdaan in kulankaasi ay soo agaasintay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ken Mr. Amin, balse ay Dowladda Kenya ka gaartay Ujeedkii ay ka laheyd oo ahaa inay Dowladda Somalia tusto inay kulmin karto Aasaasayaasha Jubbaland.

Maxamed Cali Nuur (Ameerika),  waxa uu Nasiib daro ku tilmaamay in Dowladda Kenya ay naas-nuujiso Shaqsiyaadka kasoo horjeeda Dowladda Somalia, waxa uuna ka shanqariyay inay ka weecatay Heshiiskii ay labada Dowlad isla meel dhigeen.

4-OK

Dhanka kale, Maxamed Cali Nuur (Ameerika), oo Magaallada Nairobi kula hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu muujinaayo in la sii hurinaayo Khilaafka Dowladda iyo Axmed Madoobe, waxa uuna Dowladda Kenya ugu baaqay inay ka joojiso Somalia faragalinta.

Ugu dambeyntii waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in xiligaani oo ay Somalia ka dhalatay Dowlad ay Kenya kusoo baraarugto kala fogeynta Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta, waxa uuna Tilmaamay inuu ka dambeyn doono Xisaabtan.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed