2: 353 Jeer.
Reina: “Waan ogahay waxa uu Suarez udoonayo in uu ka tago liverpool”
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Gool hayaha kooxda Liverpool Pepe Reina ayaa sheegay in uu fahmi karo sababta uu Luis Suarez udoonayo in uu ka tago kooxda Reds.
Weeraryahanka Uruguay ayaa dhowaan qiray in uu doonayo in uu ka tago Anfield.
Labada koox ee Madrid iyo Bayern Munich ayaa doonaya in ay lacag xoog leh u adeegsadaan saxiixa laacibkaan .
“Waan daremaya waxa uu Suarez u doonayo in uu ka tago liverpool waxaa uu doonaya in uu ku biiro koox weyn .ulama jeedo kooxda ee waxaan ula jeedaa tartan weyn sida Champions League kooxaha ciyaaraya ayuu Pepe Reina usheegay saxaafada .
“Waan jecahay in uu kooxda sii joogo mudo dheer ,waana aaminsanahay in ay dhici doonto ,laakiin Suarez waxa uu ubaahan yahay in uu ka ciyaaro tartamada sare ayuu hadalkiisa ku daray.
Liverpool ayaa ku dhacday in mudo ah in ay usoo baxdo koobka hoeryaalada yurub.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨