1: Monday, July 1, 2013 - 20:57:48
2: 1,679 Jeer.

Reerka Xassan Daahir Aweys oo caawa Wadnaha farta ku haaya iyo Isaga oo xanuuno kusoo booday.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Warar wax yar ka hor kasoo baxay qeyska Xassan Dahir, ayaa sheegaya in Xassan Dahir oo la il-daran yahay Xanuun.

Mid kamid ah Ehelka Xassan dahir ayaa xaqiijiyay in Xassan Dahir uu xanuun la jiifo waxa uuna yiri ‘’Sheekh Xasan si xun ayaa loo garaacay Feeraha ayay jug xoogan ka gaartay waxaana kusoo kacay Xanuuno ay kamid yihiin Sonkor,Gaas iyo Naqaska oo ku dhagay waxa uuna hadda ku jiraa Xaalad adag Dowladuna wey ka biya diiday in Xassan la dabiibo’’

Sidoo kale, Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in Saraakiil caddaan ah iyo ciidan ka socday Sirdoonka Dowladda ay maanta six un u jirdileen Sheikh Xasan Daahi Aweys islamarkaana uu ku suganyahay xaalad adag.

Xassan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu Xiligaani la il-daran yahay Xanuuno kala ah Sokor iyo Gaas iyo weliba Xanuuno kale oo uu horay u qabi jiray Xassan Dahir oo ay kamid tahay Naqaska oo ku xirmay.

Odayaashii iyo Siyaasiyiintii Sheekh Xasan Daahir Aweys Magaalada Cadaado ka keenay Muqdishan kasoo dajiyay ayaa Dowlada Soomaaliya ka codsaday in Wadaadka xabsiga kasoo daayaan ayna xuriyadiisa siiyaan maadama uu yahay nin da’ ah Xanuuno kala duwan ay lasoo darseen.

Xukuumadda Soomaaliya wali kama aysan hadlin Xaalada rasmiga ah uu xiligan uu kusugan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo gacanta ugu jira walina looma soo bandhigin Wadaadka Warbaahinta waxa uuna wali ku xiran yahay Xabsi ay leeyihiin Ciidamada Nabad Sugida oo Muqdisho kuyaal isagoona gowr dhow kusoo booday Xanuuno.

Lasoco wararkeena dambe wixii kusoo kordha Xaaladda Xassan Dahir.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed