Waxaa la daabacay: Sunday, May 25, 2014 - 00:35:38
Waxaa la aqristay: 595 Jeer.

Real Madrid oo markeedii 10-aad hanatay Champion League-ha SAWIRO+

Waxaa Qoray:

koobka1
koobka
Real Madrid ayaa hanatay markeedii 10-aad ee Champion League-ha iyadoo Cristiano Ronaldo uu dhaliyey goolkiisa 17 -aad oo ah rikoor uu dhigay hal xilli ciyaareed oo Champion-ka ah.

Diego Godin oo ah ninka mar waliba kooxdiisa ka fajiya oo difaaca ugu ciyaara Atletico Madrid ayaa daqiiqadii 36-aad gool aan sidaasi u kululeyn madaxa ku dhaliyey waxaana qaladkaasi lahaa goolhaye Casillas oo dibada usoo baxay.

Inkastoo Atletico Madrid ay aad u dadaashay oo difaac ku jirtay 93 daqiiqo hadana waqti dheerigii ayaa looga faa’ideystay in laga dhaliyo goolkii barbaraha waxaana madaxa ugu dhaliyey halyeeyga Real Madrid Sergio Ramos.

Markii ciyaarta ay kusoo idlaatay 90-kii daqiiqo 1-1, ayaa lagu daray 30 daqiiqo laakin waxaa xaalku is badalay markii ay daaleen xidigaha Atletico Madrid halka qaarna ay dhaawacyo ku ciyaarayeen taasoo keentay in weeraro xoog badan lagu soo qaado.

Waxaana goolkii labaad Real Madrid madaxa ugu dhaliyey Bale, waxaana goolkaasi dadaalkeeda lahaa Di Maria oo meel fog kasoo dagaal galay.

Goolka sedexaad ayaa waxaa keenay oo oohin jabsaday Marcelo markii uu iska dhax maray ciyaartooyda At. Madrid oo daal badan ka muuqday.

Gool afaraad ayaa waxaa rigoore lagu galay Roanldo waxaana gool ubadalay isla ciyaaryahanka caalamka ugu fiican Ronaldo kaasoo si qurux badan u daba mariyey goolahayaha.

Ronaldo habeen qurux badan ayay u ahayd maadaama uu rikoore cusub dhigay isla markaana uu koobkii uu ku hamin jirey uu si qurux badan uu ku hantay.

Guud ahaan taageerayaasha Real Madrid waxaanu leenahay HAMBALYO, HAMBALYO HAMBALYO koobkooda 10-aad ee rikoor ay sii dheereysteen ah.

Real Madrid v Atletico de Madrid - UEFA Champions League Final

Realmadrid.jpg0

Realmadrid.jpg1 Realmadrid.jpg00 Realmadrid.jpg000 Realmadrid.jpg23 Realmadrid.jpg22 Realmadrid.jpg21 Realmadrid.jpg20 Realmadrid.jpg19 Realmadrid.jpg18 Realmadrid.jpg17 Realmadrid.jpg16 Realmadrid.jpg15 Realmadrid.jpg14 Realmadrid.jpg13 Realmadrid.jpg12 Realmadrid.jpg11 Realmadrid.jpg10 Realmadrid.jpg9 Realmadrid.jpg8 Realmadrid.jpg7 Realmadrid.jpg6 Realmadrid.jpg5 Realmadrid.jpg4 Realmadrid.jpg3 Realmadrid.jpg2koobka00

balebale1bale2bale3bale4

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨