2: 184 Jeer.
Raila Odinga ‘’Waxaa Kenya iyo Shacabkeeda Dawo u ah in Ciidamadeena laga soo saaro Somalia’’
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Iyadoo ay dhawaan Siyaasiyiinta Dalka Kenya ku baaqeen in Ciidamada Kenya aan laga soo saarin Dalka Somalia, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka CORD Raila Odinga.
Raila Odinga oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka CORD, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga Somalia ay sabab u tahay Xasuuqa iyo Weerarada jahwareeriyay Dowlada iyo Shacabka Kenya.
Raila Odinga oo arintaasi ka hadlaayay, ayaa waxa uu ku baaqay in si Deg Deg ah Ciidamada Kenya looga soo saaro Howlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya, waxa uuna hadalkaasi ka sheegay xilli uu ka Khudbeenaayay fagaaraha Eastleigh oo ay isugu soo baxeen Kumanaan shacab Kenyaan ah oo Xisbigiisa taagersan.
wuxuu sheegay in Joogitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya uu halis ku yahay Amniga dalkaasi, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Uhuru Kenyatta in ay dib usoo celiso Ciidamada.
Nuqul kamid ah Khudbadiisa ayaa waxa ay u dhacday “Dowladda Uhuro waa in ay ka fekertaa Amaanka Dalka Kenya, oo ay Ciidamadeena kasoo saarto Soomaaliya, haddii ay Ciidamadeena sii joogaan Soomaaliya Nabada Kenya Khatar ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Odinga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ku celiceliyay in Ciidamada Kenya laga soo saarayn dalka Soomaaliya, xitaa haddii uu dhamaado Howlgalka AMISOM.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨