Waxaa la aqristay: 30 Jeer.
Ra’iisu wasaare ku-xigeenka oo furay siminaar looga hadlayo daryeelka Indhaha
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta in ka badan 100 dhaqtar u furay siminaar lagu baranayo daryeelka aas aasiga indhaha iyo ka hortagga indho la’aanta oo lagu qabtay Muqdisho.
Siminaarkan lagu baranayo daryeelka Aas aasiga indhaha iyo ka hortagga indho la’aanta oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare, Wasiirka Waxbarashada, Gudoomiyaha gudhiga adeega bulshada ee baarlamaanka, guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, safiirka Dowladda Sudan ee Soomaaliya, dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa siminaarka ka hadlay Dr Amiin Cabdikariin Ibraahim oo ka mid ah dhaqaatiirta ka socota dalka Sudan ee bixineysa siminaarka ayaa sheegay in muddada labada cisho ah ay kala faa’iideysan doonaan, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay u faa’iideeyaan dhaqaatiirta ka qeyb galaysa siminaarka.
Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan siminaarada nuucaani oo kale ah.
Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Cismaan Aadan Cismaan ayaa sheegay in ururukooda uu xoogga saari doono sidii loo mideyn lahaa dhaqaatiirta, islamarkaana ay kor u qaadi lahaayeen aqoonta dhaqaatiirta, isagoo xusay in siminaarkan ay ugu talagaleen
Guddoomiyaha gudiga adeega bulshada ee baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Maxamuud Dufle ayaa sheegay in tani ay xoojineyso sidii dhaqaatiirta aan taqasusiga u lahayn u lahayn indhaha ay wax badan ka kororsadaan siminaarka.
Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in xirfadda caafimaadka ay noqotay mid dayacan oo qofkasta uu iska soo galo, isagoo ku booriyay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed in arrimahaasi ay wax badan ka qabtaan.
Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diibta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo furay siminaarka ayaa umahadceliyay dhaqaatiirta ka socota dalka Sudan ee bixineysa tababarka, isagoo ka qeybgalayaasha siminaarka ku booriyay in ay ka faa’iideystaan, ismarkaana ay ugu adeegaan bulshadooda.
Siminaarka muddada labada cisho ah u soconaya dhaqaatiir tiradoodu gaarayso 120 ayaa inta uu socda waxaa looga hadlayaa daryeelka aas aasiga indhaha iyo sida looga hortagi karo idnho la’aanta oo dunida ay qorsheyneyso in lagu soo gabo gabeebo 2020-ka.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨