2: 914 Jeer.
Rafa Benitez: £100million Ayaa Loogu deeqay Jose Mourinho
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Macalinka waqtigiisa sii dhamaanayo ee kooxda Chelsea Rafa Benitez ayaa sheegay in milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abromovic uu gacanta u galin doono macalin Jose Mourinho lacag gaareysa illaa iyo £100million, si uu xagaaga dambe uu ula soo wareego ciyaaryahano cusub
Macanlin Benitez ayaa ku andacooday in milkiilaha Naadiga Chelsea uu saaxiib dhaw la yahay macalin Jose, sidaas darteedna uu lacag badan ugu qarash gareynayo kooxda Chelsea
Benitez ayaa lagu wadaa inuu masraxa u baneeyo macalin Jose Mourinho xagaaga soo socda, iyadoona dhamaan taageerayaasha kooxda Blues-ka ay caleemaha u ruxayaan macalin lagu naaneyso “Special One”
Rafa oo lahadalyey raadiyaha lagu magacaabo Onda Cero oo ku hadla Luqada Spainsh-ka ayaa yiri “ Ma hubo kooxda Chelsea sida ay noqon doonto xagaaga soo socda, maxaa yeelay hada waxay isku qarash gareynayaan lacag gaareysa £100m, si ay u soo iibsadaan sadex illaa iyo afar ciyaaryahan”
“Ma sheegi karo waxa uu ka badali karo Tababare Jose hanaanka kooxda Chelsea” ayuu sheekadiisa ku sii daray Tababaraha reer Spain ee hoggaamiya kooxda kubada cagta ee Chelsea
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨