Waxaa la aqristay: 228 Jeer.
Qaraxyo iyo Rasaas weli laga maqlaayo Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Waxaa weli Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Somalia laga maqlayaa Rasaas iyo Qaraxyo dhicitaankooda uu kala fogyahay.
Inta la Ogyahay illaa iyo hadda waxaa gudaha iyo daafaha Xarunta ka dhacay 5-Qarax oo kala duwan kuwaasi oo aan la sheegi Karin waxyeelada ay geesteen, in kastoo Wararka qaar ay sheegayaan in ay qarxayaan Kooxdii weerarka soo qaaday oo qaarkood la dilay iyagoo aaan is qarxin isla markaana ay qarxinayaan Ciidamada amanaka Ee Goobta la wareegay.
Sidoo kale, waxaa Qaraxyada ka hadlay Wasiirka amniga Qaranka oo sheegay in ay soo afjareen Weerarkii ka socday xarunta baarlamaanka Waxaana taas Beeninaya Qaraxyo iyo Rasaas wali ka dhacaya Xaruntaas banaakeeda .
Dhanka akle, Xildhibaanada qaar warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in waxa dhacay maanta ay nasiib daro yihiin isla markaana aan loo dul qaada karin .
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨