2: 496 Jeer.
Qarax is miidaamin oo ka dhacay Baar ku yaala xeebta Liido + Sawirro
Waxaa Qoray: jabra
Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday Baarka Liido Seafood oo kuyaala xeebta liido ee degmada C/Casiis, kaasi oo geystay qasaarooyin soo gaaray ku dhowaad toban baabuur oo yiilay barxadda Baarka, kuwaasi oo intooda badan noqday wax bas beelay.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb qaatay daminta dab ka dhashay qaraxa, kaddib markii gawaaridii yiilay halkaasi uu dab ka kacay kuwaasi oo iyaguna gacan ka geystay inuu sii weynaado qaraxa.
Daqiiqado kaddib waxaa goobta soo gaaray taliyaha hay’adda nabad sugidda Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg iyo ciidamada Booliska, kuwaasi oo iyagu goobta ka sameeyay howlgallo baaritaan oo la xariira gaariga qarxay iyo raadad ku saabsan halka markiisii hore uu ka yimid.
Ma jirto wax raad ah oo ay ciidamada heleen, iyadoo khubarro ku taqasustay walxahana ay sheegeen in gaariga qaraxa sameeyay lagu soo xiray qalabka ku shaqeeya saacadda oo marka ay dhammaato saacadii loogu talo galay iskiis u sameeyay qarax.
Dhinaca kale waxaa goobta qaraxa yimid madax uu ka mid yahay Guddoomiyaha C/Casiis oo ah halka uu ka dhacay qaraxa, kuwaasi oo iyagu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxda ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu ujeedadoodu tahay inay caddeeyaan in magaalada Muqdisho aanay ka jirin wax nabad ah.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨