2: 172 Jeer.
Qaliinkii Neymar dhuunta looga sameeyay oo lagu guuleystay
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Weeraryahanka xulka Brazil iyo kooxda FC Barcelona Neymar ayaa sidii la wada sugaayay qaliin looga sameeyay dhanka dhuunta wuxuuna qaliinka kusoo idlaaday si nabad ah.
Wararka laga helaayo magaalada Rio de Jeneiro ayaa sheegayo in xidigan qaliin loogu sameeyay isbitaal ku yaalo magaaladan caanka ah inkastoo uu saacado badan qaatay qaliinkiisa hadana si guul ah ayuu ku dhamaaday waxaana lagu wadaa in maalinta sabtiga ee nagu soo fool leh laga soo bixiyo Isbitaal-ka sidaa darteed mudo 5-maalmood ah ayuu kusii jiri doonaa
Madaxa Isbitaalkan qaliinka u qaabilsan Mr. Augusto Cesar Lima sidoo kalena ka mid ah raga xulka Brazil u qaabilsan daaweynta xidigaha ayaa saxaafada u sheegay in Neymar uu baaqi kusii ahaan doono goobtii lagu qalay si xaaladiisa caafimaad loo hubiyo.
21-jirkan ayaa lagu wadaa marka uu soo kabsado in uu kooxda Barcelona u duulo si uu magaaladaas ugu nasto .
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨