2: 68 Jeer.
Qabanqaabada Munaasabada African day oo ka socota Dalka Kuwait.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Waxaa ka socda Caasimada Dalka Kuwait ee Kuwait qabanqaabada loogu jiro xusid Maalinata caalamiga ah ee African Day.
Qabanqaabada munaasabada ee sanadkan ayaa waxaa Hormuud ka ah Safaarada soomaliyeed ee dalkan Kuwait munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qeybgelaya dhamaan Madaxda Safaaradaha dalalka Africanku ay ku leeyihiin dalkan Kuwait.
Sidoo kale, Munaasabadda ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qeybgalaan Madaxda sare ee dalkan kuwiat iyo Hay’addaha caalamiga ee fadhigoodu yahay dalkan kuwiat , Munaasabadaan ayaa waxey dhaceysaa maalinta 28 ee bishaan May 2013, iyadoona si xooli looga dareemaayo diyaar garowgeeda Caasimadda Kuwait.
Waxaa xusid mudan in Munaasabada sanadkan ay safaarada soomaalidu hogaamineyso qabanqaabadana leedahay halkaasna uu Safiirka Jamhuuriyada Soomaaliya u fadhiya dalkan kuwiat Ambasador C/qaadir sheikh Amin ka soo jeedin doono khudbada maalinta African day asagoo ku hadlaya magaca Qarada Africa.
Si kastaba ha ahaatee, Muwaadiniinta Soomaalida ee Kuwait ku nool ayaa waxaa la ogeysiinaaya in ka soo qeybgalkooda uu yahay muhiim isla markaana looga bahan yahay inay muujiyaan ama ruxaan Astaamaha Somalia iyagoona lala socodsiinayo inay muhiimadu tahay inay dhowraan Xiliga iyo Taariikhda.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨