2: 333 Jeer.
Qaabka Aad Taleefoonka U Qabatid Waxa Ay Ka Tarjumeysaa Xaaladda Aad Ku Sugantahay Waqtigaa
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Kadib baaritaan dad badan lagu sameeyay waxaa ugu danbeyn la ogaaday in qaabka uu qof waliba u qabto Taleefankiisa in ay ka tarjumeyso shaqsiyadiisa ama dabeecadiisa gaarka ah iyo waliba xaalada uu markaas ku sugan yahay.
Hadaba si fiicin u dhuux daraasadan, si aad u ogaato nooca aad tahay iyo dabcigaagu siduu yahay, adigoo ka tusaale qaadanaya qaabka aad telkaada u qabatid:-
1: HALLO.
Kalmadaan dadka dunida ayaa intooda badan caado ka dhigtay, iyadoo jawi walba laga yaabo inuu qofku adeegsado, balse daraasadan ayaa lagu sheegay in qofka kalmada HALLO adeegsada inuu yahay qof xiligaas deggan, sidoo kale waa qof la jecel yahay, taleefoonkiisana habeenkii inta aanu seexan ka hor marwalba waxa uu geliya Jaajer-ka.
2- HAA.
Ereygan hadii ay nimanku isticmaalaan, waa kuwa kacsan markaas dareen ahaan, jawi qasana ku dhex jira, ama wax qarinaya oo diidan in hadal badan lala galo ama Su’aalo badan la weydiiyo.
Hadiise ay dumar yihiin, waa kuwa jecel hurdada badan, isla markaana aan jecleyn dhibka iyo shaqada badan.
3- SOO DHAWOOW.
Hadii ereygaan ay raggu adeegsadaan, waa kuwa ka shaqeeya meel shirkad ah oo dad badani ay maalintii soo booqdaan isla markaana badanaa qaabilsan soo dhawaynta macaamiisha.
Hadiise ay dumar yihiin, waa kuwo wajiyo badan oo jecel naxariista iyo in hadalka lala sii wado.
4- WAA AYYO (yaa waaye).
qofka hadalka sidaan ku bilaaba waa qof deyn lagu leeyahay, ama qof ka dhuumanaya ama ka dhacayaba waxa aanu doonaya inuu hore ka ogaado qofka soo garaacay si uu marmarsiimo usii diyaarsado hadii uu yahay qofkii daynta ku lahaa ama uu ka dhacayay, Isagoo isdifaac u diyaara.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨