Waxaa la aqristay: 1,475 Jeer.
Puntland oo la imaaday qodob Xasaasi ah oo ay Dowladda Soamlia Madaxa ka lushay. (Waa maxaay Qodobkaasi).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Iyada oo muddooyinkii dambe Khilaaf xoogan uu u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Faroole, ayaa waxa ay Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Puntland ayaa ku baaqay in Caasimada Somalia laga wareejiyo Magaalada Muqdisho loona beddelo Magaalada Ceerigaabo ee goblka Sanaag.
Xildhibaan Saciid Diiriye oo ka tirsan Xildhibaanadda Puntland, ayaa sheegay in tani uu ku jiro xalka Somalia, Magaalada Ceerigaabo-na ay tahay meel aad u qurxoon cimiladeeduna wanaagsan tahay.
Waxa uu sheegay in aysan xaq iyo caddaalad ahayn in mar kasta Caasimada Somalia ay iska ahaato Magaalada Muqdisho, xilli magaalooyinkii kalena laga soomiyey.
Haddalka Xildhibaanka ayaa waxa uu imaanaya Xilli Dowladdii C/llahi Yusuf ay ku guul dareysatay inay Muqdisho ka rarto Caasimadda Dalka Somalia, taasoo Xilligaasi ay ka curteen Khilaaf salka ku haayay Nidaamka Dowladaasi u degsanaa.
Xildhibaan Saciid Diiriye, waxa uu Tilmaamay in Magaalada Ceerigaabo ee Goblka Sanaag ay ka jirto Nabad loona baahan yahay in Caasimada Ceerigaabo loo soo wareejiyo isagoona sheegay in loo baahan yahay in la qanciyo Beelaha ka soo jeeda Deegaanada Puntalnd.
Xildhibaanka oo Arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Soomaalida waa dad badan iyo deegaano badan oo isu yimid, waxaana habboon in mar walba deegaan uu helo Caasimada Somalia” ayuu yiri Saciid Diiriye.
Saciid Diiriye, ayaa sidoo kale sheegay in sababta gobollo badan oo ay Somaliland ugu horeyso ay u go’ayaan ay tahay ayada oo Muqdisho un caasimad xaq loo siiyey.
Ugu dambeyntii, waxa ay Xukuumadda Somalia ugu baaqen in Caasimadda laga dhigo wareegto isla markaana lagu qanciyo Beelaha iyo Gobaladda Dalka dadka kasoo jeedo.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨