2: 249 Jeer.
Puntland oo digniin iyo hanjabaad isugu dartay Xildhibaanadii lasoo shaqeeyay Dowladihii KMG.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Jaamac Maxamed Ahmed oo ah Taliyaha Ciidanka Boliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland, ayaa waxa uu digniin adag u jeediyay Siyaasiyiinta iminka ku sugan Magaaladda Gaalkacyo.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ku yaalla Xarunta taliska dhexe ee Magaaladda Gaalkacyo, isagoona digniin kulul u jeediyey qaar ka mid ah Siyaasinta ku dhaqan Magaladda Gaalkacyo gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dhanka Puntland.
‘’Waxan halkaasi digniin adag uga diraaya Siyaasiyiinta Puntland ee lasoo shaqeeyay Dowladihii KMG ahaa ee Dalka soo maray ee Siyaasadaha Musuq-maasuqa la socda ka wada gudaha Puntland inay faraha kala baxaan Arrimaha Maamulka hadii kale wey ka warheli doonaan’’ sidaa waxaa yiri Jaamac Maxamed Ahmed.
Sidoo kale, Taliyaha waxa uu sheegay inay kawar hayaan in qaar ka mid ah Siyaasiyinta ka soo jeeda Maamulka Puntland ay abaabulayaan dhibaatooyin lagu qalqal galiyo Ammaanka ay shacbiga ku heystaan Deegaanada uu Maamulka C/raxmaan Faroole ka taliyo.
Jaamac Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadda Amniga ay talaabo ka qadayaan Arimaha ay Siyaasiyiintaasi ka wadaan gudaha Magaallada, isagoona sheegay inay mudan tahay inay cagadhigtaan hadii arintaasi la waayana ay iyaga go’aan ka gaari doonaan.
Hanjabaada iyo goodinta kasoo yeertay Taliyaha, ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli gudaha Puntland laga dareemaayo Abaabulo Siyaasadeed oo ay wadaan Mas’uuliyiin kasoo horjeeda Talada Maamulka C/raxmaan Faroole, mana aha markii ugu horeysey ay digniin ceynkaasi oo kale ah uu Taliska Booliska Puntland u jeediyo Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Puntland.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨