1: Thursday, May 23, 2013 - 12:27:06
2: 389 Jeer.

PSG Imisa Ayey Ku Dooneysaa Weyne Rooney?

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

ggParis St Germain ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso laacibka kooxda Manchester United Weyne Rooney, iyagoona ku doonaya lacag dhan  100 milyan

Wargeyska Daily Mail ayaa sheeganaya in kooxda hanatay horyaalka France inay dooneyso in 40 milyan ginni kaga soo iibsato United weeraryahanka aan cagaha badan ku taagneyn, halka sidoo kale ay doonayaan in mushahar sannadkii gaaraya 15 milyan ginni canshuurta ka dib ay siiyaan Rooney muddo afar sannadood heshiis ah. Taasoo wadar ahaan lacagta ka dhigeysa 100 milyan ginni.

PSG ayaa lagu soo waramayaa inay si aad ah ugu baahan tahay inay keento weeraryahan weyn iyadoo ay isa soo tarayaan xanta la xiriirta in Zlatan Ibrahimovic uu ku laabanayo Italy xagaagan ka dib hal sanno uu ku qaatay caasimada France.

Rooney ayaan weli go’aansan inuu xaqiiqdii uu doonayo inuu baxo, laakiin mustaqbalkii waxa uu kala hadli doonaa David Moyes kaasoo si rasmi ah u bedeli doona Sir Alex Ferguson 1da bisha July.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed