Guddiga arrimaha dibada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa difaacay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud uu kaga qeyb galay caleema saarka madaxweynaha dalka Masar Cabdi fitaax AL-SIISI.
Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo gudigaa ka tirsan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xaq u leeyahay in uu la macaamilo dowladaha caalamka.
Waxaana uu intaa ku daray in caleema saarka ay ka qeb galaan madax ka socoto wadamada caalamka, isla markaana madaxwenahana uu kamid yahay madaxdaasi.
“ Madaxweyne Xasan Sheekh wuu ku saxsanyahay ka qeyb galkii uu ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha Masar, dal walbana waxaa hogaamiya madaxweynaha markaas talada hayo, si kastba ha ku ahaadee.” Ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dhalxa.
Prof. Maxamed Cumar Dhalxa waxa uu sidoo kale sheegay in wax saameen ah uusan ku yeelan doonin booqashada madaxweynaha xiriirka u dhaxeeya dowaladda Masar iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub ee Masar ayaa waxaa kasoo hor jeestay dalal xiriir dhow la leh Soomaaliya sida Turkiga, Qadar iyo Itoobiya.