1: Monday, June 24, 2013 - 17:46:38
2: 1,041 Jeer.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar difaacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia xilli wax laga weydiiyay Siyaasadda Maamulka Somaliland.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

oooo

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka war-bixiyey waxyaabihii uu soo arkay intii uu Somaliland ku sugnaa Socdaalka, kadib Safar dheer oo uu ugu kuur-galaayey Xaalada dhabta ee Somaliland ka jirta oo uu ku tagay qaar ka mida Gobollada Somaliland.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu Khudbad ka jeediyey Jaamacadda Hargaysa, waxaanu si qoto dheer uga hadlay waayihii iyo duruufihii Nololadeeed ee uu u kuur-galaayey, isla markaana waxa uu soo qaatay arrimo ay ka mid ahaayeen Cadaalada, Dhaqaalaha, Waddooyinka, Biyaha iyo qaddobo kale oo aad u xiiso badan.

Mahad naq iyo Bogaadin kadib, Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu madashaasi ka sheegay inuu ku qancay qadiyada gooni-isu-taaga Maamulka Somaliland, arkayna waxaanu filayn iyo horumar la mahadiyo oo aan maanta cidna dafirin Karin, si buuxdana waxa uu u shaaciyay inay Somaliland xaq u leedahay inay hraadiso aqoonsi iyo inay beesha Caalamku hoos ugu daadegto sugida xuquuqda Mawaadiniinta Mandaqadan ku dhaqan, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale tilmaamay in safarkiisa Goboladda Somaliland aqoon ku dhaw intii uu bartay uga korodhay, waxaanu hadalkiisa ku ladhay dar-daaran culus oo uu si guud ugu diray Bulshada Reer Somaliland.

Dhanka kale, waxa uu Sheegay in Madaxweyne Xassan Sheikh uu dhowr mar Mas’uuliyiin usoo diray, wuxuuna sheegay Xassan Sheikh inuu yahay shaqsi Mas’uul ah, qofka marka uu Mas’uul yahayna uu wax waliba sameynaayo si looga dul qaado canaanta kaga imaaneysa dhanka Shacbiga.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay Prof Samatar in Dowladda Xassan sheikh ay u carareyso wax wanaajin, balse qof waliba uu isaga wax hagaajin karo haddii uu is xil-qaamo Somaliland looga baahan yahay inay sidaa isku xilqaamaan.

‘’Xasan Sheikh Maxamuud Xaq-buu u leeyahay inuu Waxa uu Aaminsan yahay ka Hadlo mana aha qof ka hadlo aragtidiisa in dhaliil laga horgeeyo” Sidaa waxaa yiri Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo si aan Caadifad laheyn uga hadlaayay Somalia.

Prof Samater waxa kale oo uu sheegay in qof kasta uu Rayigiisa xaq u leeyahay inuu cabiro, isaga oo xusay in hadalkii ka soo Madaxwaynaha Somaliya ee ahaa in Somaliland caadifad ku timid uu yahay mid uu xaq u lahaa.

“Xasan Sheekh Maxamuud xaq buu u leeyahay inuu caadifad ku tilmaamo dabaaldegii 18 May, aniguna xaq baan u leeyahay inaan ku iraahdo, (Madaxwaynaha Somaliya) waxaani (Somaliland) xunbo maaha, horena baarlamaanka Xamar-baan uga hor iraahday, dadka Somaliland waa dadkii qarankii Soomaaliyeed hadyadii ugu weynayd ee calankii Soomaaliyeed keenay, kuna adkaystay ee yiri waxaannu rabnaa inaannu waddankii dhisno, hadday yidhaahdeen taasi way na khaarajin wayday oo la noqdaan xaq bay u leeyihiin’’ Sidaa waxaa yiri Prof Samater.

Ugu dambeyntii, Prof Samater ayaa difaacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, waxaana hadalkiisa laga dheehan karay inuu iska ilaalinaayay Caadifad ama Haddal yar oo wax u dhibaayo Jiritaankiisa.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed