2: 558 Jeer.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar “Aqoonteeyda waxay i tuseysaa in midnimo kale aanay imaan doonin’’.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan tagay deegaanada maamulka Somaliland uu ka arimiyo ayaa hadana mar kale waxa uu madaxa saartay ceeb iyo fadeexad aad u daran, iyadoona dad badan ay ka carooden hadalkiisa markii la maqlay ka dib.
Waxa uu sheegay in marna aan rajo laga qabin inay mar kale Somaliland ay kasii mid ahaato Soomaaliya inteeda kale isagoona sheegay in dhibaato xoogan loo geestay shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Aqoonteeyda waxay i tuseesaa in midnimo kale aanay imaan doonin, waayo Somaliland shacabkeeda waa la gumaaday, dhibaato aanay kasoo kabsan ayaa la gaarsiiyay, sidaa awgeed hadda lama filaayo midnimo, waana ku taageyraayaa aragtiooda” Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sidaasi yiri.
Waxaa kaloo uu sheegay in shacabka Somaliland ay yihiin dad mar hore tashaday Soomaaliyana looga baahan yahay sidaa oo kale waa sida uu hadalka u dhigaye.
Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maalmahaan dambe sidii uu u tagay Somaliland waxa uu ka dhawaajinaayay hadalo wax u dhimaaya qarannimada Soomaaliyeed isaga oo waliba aqoon yahan dalka ku tashanaayay ahaa.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨