1: Friday, June 21, 2013 - 11:58:49
2: 57 Jeer.

Paris Saint-Germain oo udhaqaaqday tababare Laurent Blanc

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

blanc
Kadib markii tababare Fabio Capello uu iska fogeeyay shaqada kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxaa hada lagu soo waramaya in ay udhaqaaqeen tababarihii hore ee xulka France ,Laurent Blanc sidaa waxaa sheegtay jarirada L’Equipe ee ka soo baxda France.

Daaficii hore ee Man United Laurent Blanc ayaa baaga mudo ah tan iyo markii uu iska casilay xilka tababaranimo ee xulka France ,waxaana lagu wadaa in uu ka jawaabo 24 saac gudahood shaqadaan ay ugu yaboohday PSG .

Carlo Ancelotti oo hada ah macalinka PSG ayaa lagu wadaa in uu ku biiro Real Madrid.

PSG ayaa lagu waday in uu qabto Fabio Capello laakiin kulan dhex maray wiil uu dhalay Fabio Capello iyo agaasimaha PSG , Leonardo ayaa fashil ku soo dhamaaday.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed