2: 62 Jeer.
Nicholas Kay oo Cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Muqdisho, 24 Maajo 2014- Ergayga Gaarka ah ee Xoghayha Guud ee Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa combaareeyay weerarka lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaalia maanta Kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac Gaari ay ka buuxaan waxyaalaha Qarxa ayaa lagu qarxiyay Albaabka wayn ee laga soo galo dhismaha Baarlamaanka. Sidoo kalena, waxaa laga maqlay baarlamaanka dhexdiisa is- rasaasayn saakadii hore.
“Waxaa iga nixiyay aana cambaaraynayaa weerarka lagu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed. Baarlamaaanka Federaalka ahi wuxuu metelaa dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u taaganyahay rajadda dadka, mustaqbalkooda iyo siddi lagu heli lahaa mustaqbal xasiloon.
Weerarka maanta la soo qaaday waa weerar lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed, mana jirto wax cudurdaar ah oo loo yeelikaro weerarkaas. Waxaan boogaadinayaa talaabada dhakhsaha leh ee ay qaadeen ciidamadda qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, kuwas oo ka jawaabayey weerarka.
Qaramada Middobay waxay sii wadi doontaa taageeradda ay u hayso dadka Soomaaliyeed iyo dowladooduba, maadaama ay ka shaqaynayaan sidi lagu gaari lahaa nabad iyo xasilooni.”
Mudane Kay waxa uu la hadlay Raiisul-wasaare Cabdulweli Sheekh Axmed si uu u muujiyo taageerada iyo tacsiyada uu u hayo Qoysaskii iyo saaxibaddi dadkii wax ku noqday weerarkii lagaystay maanta Wuxuuna u rajeeyay dadka dhaawacmay in ay dhakhso u soo boskoodaan.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨