2: 895 Jeer.
Neymar oo digniin loo diray
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Halyeeygii hore ee kooxda Barcelona Johan Cruyff ayaa digniin udiray weeraryahanka cusub ee kooxda Barcelona Neymar.
Xidiga Brazilian-ka ah oo wadankiisa umatalaya koobka qaaradaha ayaa ciyaartii koowaad waxaa ka soo gaaray dhaawac fudud.
Johan Cruyff ayaa usheegay Neymar in uusan kubbad isku dhajin si uusan bartilmaameed ugu noqon xidigaha ka soo hor jeeda taas oo keeni karta in uu gaaro dhawac uu mudo ku maqnaado.
“Barcelona waxaa ay ubaahan tahay Neymar oo caafimad qaba oo ka garab ciyaara Messi ,marka waa in uu taxadara oo uu la ciyaaraa saxibadiisa ,gaar ahaan kulanka talyaaniga halis ayuu la kulmi karaa hadii uu dhowr jeer kubbad ku dhex heysto daafaca Talyaaniga ayuu Johan Cruyff usheegay Sport.
Neymar ayaa ku biiray kooxda Barcelona xagagan waxaana ay ku qaateen €57 million.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨