1: Saturday, July 6, 2013 - 10:39:18
2: 411 Jeer.

Nemanja Vidic oo sheegay in ay diyaar uyihin in ay caawiyaan David Moyes

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

vidic546hp2
Kabtanka kooxda Manchester United, Nemanja Vidic ayaa ku adkeystay in isaga iyo xidigaha kooxdiisa ay caawin doonaa tababarre David Moyes si uu ugu guuleysto imaatinkiisa kooxda.

Ninka Scotishka ah ayaa shalay qabtay shirkiisii ugu horeyay isagoo macalin ah United waxaana uu sheegay in ay tahay dareen culus in aad badasho macalin ku guuleystay 38 koob.

“Waxaa ay ila noqotay la yaab markii uu go,aansaday Ferguson in uu faristo ciyaaraha ayuu yiri Vidic.

“Ciyaartooydu xushmad ayey uhayeen macalinkan markii uu joogay Everton ,waxaan eegeynaa in aan la shaqeyno isaga ,ciyaartooydu si wanaagsan ayey uqaadanayan tababarka , waana ay ku faraxsan yihiin in ay la shaqeyaan isaga.

“Ciyaartooydu sare ayey uqaadayaan shaqadooda ,David waxaa uu ka soo shaqeyay Premier League waana uu yaqanaa xidigahan ,ciyaartooydu waxaa ay sameynayan wax walba oo ay ku hormarinaya isaga,waxaad uciyaareysaa waa Man United , mar walba waxaa jira cadadis badan iyo in aad ushaqeyso ayuu yiri Vidic.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed