2: 1,177 Jeer.
Muxuu ka yiri Salaad Cali Jeelle Xariga Xassan Dahir Aweys iyo Hamiga Dowladda ay ka qabto ?.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Siyaasi Salaad Cali Jelle oo ka tirsan Siyaasiyiin Somalia, ayaa waxa uu ka hadlay Xariga Xassan Dahir Aweys, waxa uuna sheegay in Xassan Dahir uu mudan yahay in Xabsi daa’im laga dhigo oo laga jaro wixii uu geystay.
Salaad Cali Jelle, waxa uu sheegay inaan lagu jirin xiliga Xassan Dahir, ay Xukuumadda xabsi iyo xukun la’aan ku heyn lahey, isagoona sheegay in Xukuumadda looga baahnaa inay isla maalintii la qabtay fuliso go’aankeeda maadaama uu yiri Dambiile yahay.
‘’Xassan Dahir warkiisa wuu cadyahay waa nin dhiig daadshay, waxaa xukuumadda laga rabay inay isla markiiba xukunto si Shacabka ay u xaqiijistaan in dalku uu Dowlad ka dhashay hadii kale waxaa loo maleynaaya in Dowladda aysan awood laheyn’’ Ayuu yiri Salad Cali Jelle.
Salad Cali Jelle, ayaa waxa uu sheegay in Arrinta Xassan Dahir ay tahay mid aan ka hadal u baahneyn, isagoona Tilmaamay in dalka uusan ka talin Qabiil balse ay Dowlad ka taliso loogana bahan yahay inay xukunkiisa Shacbiga uga farxiso.
Mar uu soo hadal qaaday Beesha Habar Gidir raja ay ka qabto sii deynta Xassan Dahir, ayaa waxa uu sheegay inay Nasiib daro tahay in Xilligaani si qabiil ah ay u dabakacaan balse Dowladda ay Mas’uul ka tahay fulinta sharcigaasi.
Ugu dambeyntii Salaad Cali,ayaa waxa uu ku baaqay in Dowladda aysan xabsi ugu simin Xassan Dahir oo ay la tiigsataa Maxkamad si loo fuliyo Dambiyada uu geystay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨