2: 251 Jeer.
Muxuu ka yiri Maamulka Ururka Suxufiyiinta Soomaalida Sudan Xarigii Weriye Cabdulkadi Maxamed Cabdulkadir??
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Maamulka Urur weynaha Suxufiyiinta Soomaalida Sudan (Somali union Journalists in sudan), ayaa ka shanqariyay in Xariga Weriye Cabdulkadir Maxamed Cabdulkadir uu yahay mid ay Safaaradda Soomaalida Sudan ku degdegtay, waxa ayna sheegen in Safaaradda ay fureyso wado aan horay looga baran maamuladii ka horeyay Maamulka iminka haya Talada Safaaradda.
Guddoomiyaha Ururka Cabaas Maxamed Nuur, ayaa Cambaareeyay Xariga loo geystay Weriyaha waxa uuna ku baaqay in Hawlwadeenada Safaaradda loo baahan yahay inay ka shaqeeyan sidii Weriyaha uu ku heli lahaa Xoriyadiisa, isagoona sheegay in Dowladda Sudan aysan ku saqajaamin faragalinta Ardayda balse Ururka Suxufiyiinta ay Ogsoon yihiin in Xarigaasi ay ka dambeeyeen Hawlwadeenada Safaaradda.
Cabaas Maxamed Nuur, waxa uu sheegay in Golaha Ururka Somali Union Journalists in sudan, uu ka dhowr sugaayo sii deynta Weriyaha isagoona sheegay inay Aaminsan yihiin had iyo jeeraal Xoriyada Saxaafadda loona baahan yahay inay siidaayan Weriyaha maadaama xariga uu dhankooda ka imaaday.
Dhanka kale, Cabdi Fitaax Maxamed Dahiye Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta, ayaa dhankiisa ka sheegay in Golaha Ururka ay ka walaacsan yihiin Xariga Weriye Cabdulkadir Maxamed Cabdulkadir oo uu Xoghayaha ku sheegay inuu yahay Xubin katirsan Ururka loona qoraal uu ka sameeyay Hawlaha ka socda Safaarada, waxa uuna Xoghayaha sheegay in Xarigaasi uu yahay mid Nasiib daro ah isla markaana Safaarada ay ku degdegtay.
Cabdi Fitaax Maxamed Dahiye, waxa uu sheegay in Safaaradda Sudan looga furay inay Ardayda caawiso balse aan loo furin inay ka shaqeyso dibin-daabada lagu lag daayo Ardayda waxa uuna ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan Weriyaha lagu siiyo Xoriyadiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Guddoomiyaha iyo Xoghayaha ayaa imaanaya xilli uu Ururka wado qorshe lagu doonaayo in Tababaro Saxaafadeed loogu siiyo Ardayda u nugul Saxaafadda, waxaana Xarigaasi Walaac ka muujiyay Xubnaha Ururka oo sheegay inay aad uga xun yihiin in xarig lagula dhaqaaqo Arday.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨