2: 495 Jeer.
Muxuu ka yiri Afhayeenka Alshabaab Weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta UNDP.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Maleeshiyadda Alshabaab, ayaa waxa uu ka hadlay Weerarkii Khasaaraha geystay ee Maalinimadii shalay ka dhacay Xarunta UNDP.
Cali Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa sheegay in Ujeedka laga lahaa weerarka Xarunta UNDP uu ahaa sidii loogu talogalay uu ufulay, isagoona sheegay in dhiigii ay doonayeen uu meesha ku daatay.
Afhayeenku waxa uu sidoo kale, sheegay in Dhibaatooyinka Muslimiinta loo geysanaayo laga soo maleegi jiray gudaha Xarunta UNDP, waxa uuna Tilmaamay in dhabar jab weyn ku noqtay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay inuu ahaa mid xaq ah.
‘’Weerarkaasi waxa uu ahaa mid xaq ah, waxaa ku geeriyooday Ragg cadaan ah oo aan dooneynay inaan daadino dhiigooda’’ sidaa waxaa yiri Afhayeenka Maleeshiyadda Alshabaab Cali dheere, oo intaa ku daray in Weerarkii uu noqday mid dhiig badan ku daatay isla markaana uu ahaa mid niyadda u dhisay dadka.
Dhanka kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in raga cadaanka ah ee halkaasi ay ku dileen ay gaarayaan ku dhawaad 20 sida uu yiri Cali Dheere Afhayeenka guud ee Al-Shabaab xilli uu la hadlaayay Saxaafadda.
Wuxuu Ujeedka Koowaad ee weerarkaasi ku sheegay in raga ajaanibta ah ay ku haystaan Magaalada Muqdisho ammaan buuxa sida ay iyaga sheegeen,balse weerarka ayaa muujinaye buu yiri mid ajaanibta lagu tusayo inaysan Muqdisho ammaan ku haysan, sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Maleeshiyadda.
Ugu dambeyntii, Afhayeenka Maleeshiyadda ayaa waxa uu meesha ka saaray dhiiga shacbiga ee ku daatay halkaasi, mana uusan soo hadal qaadin in halkaasi lagu xasuuqay Dad masaakiin ah, balse waxa uu sheegtay inay dileen tiro Ajaanib ah oo aan geeridoodu cadeyn loo heyn.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨