1: Sunday, July 7, 2013 - 11:26:42
2: 1,004 Jeer.

Mukhtaar Roobow oo qarka u saaran inuu ku biiro Xukuumadda Somalia. (Warbixin Xasaasi ah).

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

lllll

Iyadoo ay socdaan wada-hadal u dhexeeya Saraakiisha Xukuumadda ee gobolka Bakool, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar hoose oo sheegaya in Mukhtaar Roobow uu Ciiddamo horu dhac ah oo ka tirsan Ciiddamadiisu ku biirinaayo Ciiddamadda Dowladda ee gobolka Bakool.

Cali Salaad Maxamed Axmed Taliyaha Ciidamada dawlada ee  gobolka Bakool  ayaa waxa uu sheegay in gabagabo ay mareyso Wada-hadalo u socda Xukuumadda iyo Mukhtaar Roobow oo ah Afhayeenkii hore ee Alshabaab.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Wada-hadalada hoose ee u socda Dowladda iyo Mukhtaar Roobow uu dhaliyay in la helo Xog badan ee uu dhiibay Mukhtaar, isagoona sheegay in Odayaal ka socda dhanka Mukhtaar Roobow ay soo gudbiyeen hirgalinta uu Mukhtaar dalbanaayo iyo waxyaabaha uu doonaayo inuu ku wareejiyo Dowladda.

Taliyahay ayaa sheegey in ay meela fiican marayaan Wada hadaladda u dhaxeya iyaga iyo abuu Mansuur isagoona sheegey in Abuu Mansuur iyo ayagaba ay haatan iska kaashanayaan sidii ay uga taqalusi lahayeen kooxo uu sheegey in ay hoos tagaan Ahmed Godane iyo sidoo  kale ay meela fiican ay marayaan Dadaaladda ay ka wada wadan Gobalkasi.

Dhanka kale, waxaa uu taliyuhu sheegey in iyaga iyo Abuu mansuur ay isku afgarteen inay caawiyaan sidii uu isagoona nabada ah u geyn lahayeen welibana ay u balan qadayaan in loola dhaqmo sidii qof muxtarim ah oo kale.

Ugu dambeyntii, Mukhtaar Roobow, ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay meel aan sidaa uga baxsaneyn Bakool waxaa uuna Roobow Saraakiisha u gudbiyay Fulinta rabitaankiisa iyo Hub aan sidaa u badneyn, sida ay xaqiijinayaan Saraakiisha Ammaanka Gobalka Bakool

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed