1: Wednesday, June 26, 2013 - 19:05:30
2: 935 Jeer.

Mukhtaar Roobow oo nolol iyo geeri lagu la’yahay iyo isaga oo laba xarun oo uu ku lahaa gobalada Bay kala baxay Ciiddamadiisa.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uyuy

Wararka aan ka helayno Gobalada bay ayaa sheegaya in la waysan yahay Sheikh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) isaga iyo ciidamo badan oo la socday, waxaana jira tuhumo aad u badan.

Laba xarun oo uu ku lahaa gobalada Bay iyo Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ciidamadiisa uu ka watay, isagoona meel uu galay ilaa hadda aan la sheegi karin.

Waxaa durba soo baxay tuhun ah isna in uu baxsaday, laakiise warkaasi weli meel cad laguma sheego, in kastoo eheladiisa maalmahaan ay wadeen dadaalo badan oo ay dowaldda kagala hadlaayeen Abuu Mansuur inuu dhankooda usoo wareego.

Hadii Xasan Daahir Aweys uu kasoo cararay ciidamada Al-shabaab, waxaana isna tuhun soo galay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo saaxiibo dhaw ay ahaayeen Labadooda.

Al-shabaab ayaa markaan waxaa soo wajahaaya kala fur furnaansho aan caado ahayn, iyadoona ay kala qeyb sameen dhamaan saraakiishooda.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed