1: Tuesday, June 11, 2013 - 20:40:40
2: 1,521 Jeer.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo Diinta Islaamka ku sameeyay Xadgudub (Waa kuma Xildhibaankaasi)

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

sSQSQW

Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia oo lagu magacaabo Daahir Amiin Jeesow, ayaa waxa uu ku halaaqooday Eray burburinaaya Islaanimadiisa.

Daahir Amiin Jeesow, waxa uu sheegay in Ragga ay is guursan karaan isagoona yiri ” Ragga waa is-guursan karaan , Dumarkana waa is-guursan karaan , waa horumar loo baahan yahay, nimanka isku baahan in ay isguursadaan ama gabdhaha u baahan in ay isguursadaan’’.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxaa lagu xantaa inuu aaminsan yahay Fakarka Calmaaniyadda, waxa uuna Haddalkaasi xumaan ku beeray Boqolaal Soomaali ah, kadib markii ay la yaabanaayen Caalamka oo fakarkaasi aaminsan, balse ka sokow ay soo baxeen Ragg uu kamid yahya Daahir Amiin Jeesow, oo Haddalkaasi si qarsoodi la’aan u shaaciyay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, waxa uu ku xadgudbay Jiritaanka Diinta Islaamka isagoona hadalkaasi ku beeniyay in Ummadda Soomaaliyeed ay 100% yihiin Muslimiin.

Haddalka Daahir Amiin Jeesow, ayaa waxa uu qiiro galiyay Soomaalida iyaga oo aad uga carooday hadalkaasi ka soo yeeray Xildhibaanka ku jira Baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyntii, Daahir Amiin Jeesow, ayaa waxa uu qeyb ka noqonaaya Soomaali badan oo iyagu wata Fakarka Calmaaniyiinta, waxa uuna waddo u furaaya Gaaladda aaminsan in ay isguursan karaan Ragga iyo Dumarka.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed