1: Monday, May 27, 2013 - 21:28:13
2: 1,037 Jeer.

Mourinho oo lagu arkay magaalada London + SAWIRO

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

jose ok1559-1A065A3E000005DC-961_636x476
Tababaraha kooxda Real Madrid ,Jose Mourinho ayaa si dhuumaaleysi ah loogu arkay magaalada London.

Mou ayaa lagu wadaa in bisha June loo magacabo tababaraha cusub ee kooxda Chesea .

Isaga iyo labo nin oo kale ayaa lagu arkay bartamaha magaalada London gaar ahaan Wharf oo udhow halka ay ka dhisan tahay kooxda Chesea .

Mou ayaa udhaxeeyay labada nin waxaana uu watay boorsadiisa

Laith Al-Hashimi oo ah mid ka mid ah taagerayasha Chelsea ayaa isaga iyo waalidkiis Sarra iyo Kussay oo meel banan ah shaah ku cabaya waxaa ay arkeen Mourinho waxaana ay ka qaadeen sawir iyagoo sawirka siiyay RIK SHARMA oo ka tirsan Daily Mail.

Mourinho ayaa kadib waxaa uu si toos ah uga soo muuqday garoonka Wembley oo ay ka socotay ciyaar udhaxeysay kooxaha Crystal Palace iyo Watford.

Arintaan ayaa sii xoojineysa wararka Jose la xiriirinaya kooxda Chelsea.

jose le-2331559-1A065776000005DC-614_634x538

daw

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed