1: Wednesday, May 22, 2013 - 21:17:59
2: 484 Jeer.

Mid ka mid ah xidigii hore ee Man United oo geeriyooday

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

brian34_pa-400147Xidigii hore ee kooxda Manchester United iyo xulka England Brian Greenhoff ayaa geeriyoday

Brian Greenhoff oo daafaca ka ciyaari jiray ayaa geeriyooday isago 60 jir ah.

Ninkaan ku dhashay Barnsley, ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala xaafada Norden, oo udhow Rochdale.

Booliska ayaa sheegay in aan la ogeyn waxa sababay geeridan deg deg ah.

Greenhoff waxaa uu ka mid ahaa kooxdii United ee 2-1 kaga qaaday final-kii FA Cup-ka kooxda Liverpool.

Waxaa uu uciyaaray kooxda United 271 kulan isago udhaliyay 17 gool halka uu 18 kulan usaftay xulka Ingriiska.

Greenhoff oo 6 sano ku sugnaa United ayaa ka tagay 1979-kii ,isagoo ku biiray Leeds xiligaas oo lagu iibsaday £350,000.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed