2: 881 Jeer.
Meydad farabadan oo ay leeyihiin Alshabaab oo lagu soo bandhigay gudaha Degmada Ceelbuur
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka Saaka aan ka heleyno Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi lagu Arkay Meydadka rag ka tirsanaa Alshabaab.
Meydadka ayaa waxaa soo bandhigay Ciidamada Dowlada ee Ceelbuur, kadib markii ay sheegen inay ku dileen Dagaal ay la qaaten Alshabaab.
Max’ed Kaariye Cawaale, Taliyaha Ciidamada Xooga Ee Gobolka Galgaduud, ayaa xaqiijiyay in Dagaalkaasi ay ku Kharijiyeen illaa iyo 11-Askar oo ka tirsanaa Alshabaab, waxa uuna sheegay in Bulshada halkaasi ay usoo bandhigeen Meydadkooda si ay ugu qanciyaan.
Max’ed Kaariye Cawaale ayaa ahadalkiisa intaa kusii daray in Ciidamada Dowladda ay Jab Xoog leh ay gaarisiiyeen Al-shabaab, islamarkaana inta uu Dagaalka socday ka qabsadeen Qoryo iyo Hub noocyo kala duwan ka koobnaa.
Dhanka kale, Meydadka Kooxda ayaa waxaa badi lagu soo bandhigay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud oo Dagaalku uu ka dhacay, halka Meydadka qaarna ay Ciidamadu qaaten.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨