1: Wednesday, October 10, 2012 - 12:04:58
2: 1,282 Jeer.

Mesut Ozil ‘ Ha maqleen Liverbool iyo Man utd ka tagi Maayo Real Madrid!!!!!!

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi


Kubad Sameeyaha Xulka Jarmalka iyo Kooxda Real madrid ayaa Gaashaanka si weyn ugu Daruuray inuu Boorsadiisa u siiq aadnayo Wadanka Ingiriiska si uu ugu Safto Man Utd ama Liverbool Midkood waxa uuna hoosta ka xariiqay Ozil in 2da Kooxoodba uusan u socon uuna ku Nagaanayo Naadigiisa Real Madrid.

‘Ha Maqlaan Man utd vs Liverbool ka tagi Maayo Real Madrid waana sii joogayaa’ayuu yiri Mesut Ozil oo Intaa ku daray inaysan jirin Xiligaan Meel uu uga Baqoolo Kooxdiisa Madrid ka dhisan.

Hadalheynta Ozil waxa uu tagayaa Man Utd ama Liverbool ayaa mudooyinkii la soo dhaafay aheyd mid soo noq noqoneysay Balse hada uu beeniyay Jiritaanka warkaasi Ciyaarauyahnkaan u dhashay Dalka jarmalka.

Mesut Ozil oo la hadlay wargeyska Daily Miror ayaa sheegay inuu walighiis ku Fakirin inuu ka Tago Kooxdiisa uuna qabto Xaaga iyo Kooxaha Dalka Ingiriiska isagoo sheegay in Marka Laacibku ui ciyaarayo Real Madrid uusan Qalbigiisa Tabeyn Koox kale aad isla markaana uu la yaabay Warka sheegay inuu ka tagayo Real Madrid

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed