2: 422 Jeer.
Messi oo Ku Guuleystay Kabaha dahabka ee Horyaalka La Liga
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Laacibka reer Arjentina iyo kooxda Barcelona ciyaaryahan Lional Messi ayaa ku guuleystay kabaha dahabka ee wadanka Spain, kadib markii uu noqday ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa xilli ciyaareedka 2012-2013
Messi oo noqday afar jeer ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka ayaa waxa uu gool dhalinta horyaalka La Liga uu ku qaaday 46-Gool.
Leo ayaa waxa uu loolan adag kala dhaxeeyey ciyaaryahanka ay xifaaltamaan ee C.Ronaldo, isagoona CR7 uu dhaliyey xilli ciyaareedkaan 34-Gool.
Xagaagii la soo dhaafay ayaa ciyaaryahanka Mucjisada ee Lional Messi ayaa waxa uu kooxdiisa Barcelona uu u dhaiyey 94-Gool.
Lional Messi ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa uu ku guuleystay gool dhalinta horyaalka La Liga,waxa uuna ku qaaday 50- Gool, waana markiisii labaad oo xiriir ah uu ku guuleysto gool dhalinta horyaalka wadanka Spain
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨