1: Sunday, June 8, 2014 - 19:07:50
2: 248 Jeer.

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukun isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku riday eedeysanayaal

Waxaa Qoray:

Maxakamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Xukuno isugujira dil iyo xabsi ku riday dhagar qabayaal ka dambeyeey dilka askari ka tirsanaa ciidanka dowladda, kaddib markii makii maanta Maxkamadda la horgeeyay eedeysanayaashaasi.

Maxkamada oo u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedkii loo haystay eedeysanayasha oo lagu eedeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab iyo in degmada Hodan ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka qaateen qorigii uu watay, waxaana Maxkamadda lagu soo bandhigay Bistooladii ay wax ku dileen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka isugu jira dil iyo xabsi ciidan oo ay ku riday ilaa iyo shan eedeysane, kuwaasi oo uu ku sheegay Liibaan in lagu helay dambiga ay galeen.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan Xukun dil ah ku riday Shaafici iyo Xasan Salman oo dilay gabar ardayad ahayd oo la oran jiray Nafiso Cismaan Salaad, halka Haweeney lagu magacaabo Deeqo Diraac lagu xakumay 10-sano oo xabsi ciidan ah.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨