2: 1,424 Jeer.
Maxaa kala qabsaday Xalay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia C/kariin xuseen Guuleed iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Tarsan, ayaa waxa ay Maqrib nimadii shalay isku maandhaafeen Afur uu Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia u sameeyay.
Kulanka ay isku maandhaafeen Labada Mas’uul ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Saraakiisha Ammaanka iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoona Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Foodooyinka ka dhacayo Magaalladda Muqdisho dusha ka saaray Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.
Is maandhaafka C/kariin xuseen Guuleed iyo Tarsan, ayaa waxa uu marka hore ka bilowday kadib markii Ras’isul wasaaraha uu Mas’uuliyiintaasi ku eedeeyay inay dayacayaan Ammaanka Muqdisho, waxaana arrintaasi jawaab kulul ka baxshay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Tarsan oo dhacdo waliba ee ka dhacda Magaalladda Muqdisho dusha ka saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale, Tarsan, ayaa waxa uu goobta ka sheegay inuu dareemayo dayacaad ay sameynayaan Tiro Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo aan muujineynin kaalintooda, isagoona carabka ku dhuftay C/kariin xuseen Guuleed.
Dhanka kale, C/kariin xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia, ayaa iska fogeeyay eedeynta uu u jeediyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, oo sheegay in Wasiirka uu sabab u yahay Dhibaatooyinka Qaraxyada iyo dilalka ka dhacayo Muqdisho.
C/kariin xuseen Guuleed, ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in Qaraxyada iyo dilalka ay Mas’uul ka wada yihiin dhamaan Mas’uuliyiinta Gobalka,Degmooyinka,Saraakiisha, isagoona Tilmaamay in dhib waliba oo ka dhaca Muqdisho ay mas’uul ka wada yihiin Maamulada Dowladda.
Is maandhaafka oo ahaa mid Wakhti badan lumiyay, ayaa waxa uu suura galiyay in Mas’uuliyiintaasi aysan ka wada hadlin Arrimo badan, taasoo ay sabab u noqotay is maandhaaf iyo Khilaaf xoogan oo labadaasi Mas’uul ka dhex curtay.
Ma cadda sida ay Guddoomiyayaasha Degmooyinka,Maamulka Gobalka iyo Saraakiisha Ammaanka u wada fulin lahaayen, wallow kulankii xalay uu Rw, Shirdoon u dhicin sidii uu rabay.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨