1: Wednesday, July 3, 2013 - 09:54:45
2: 530 Jeer.

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Burcad hubeysan ay galeen Hooyga Wasiiradda Arrimaha Dibada Somalia.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

Fooziyo Yuusuf Xaaji

Wararka ka imaanaya aqalka ay Magaalladda Muqdisho ka dagantahay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia, Marwo Fowsiyo Haji Adan ayaa la sheegayaa iney dableey Hubeysnaa gudaha ugaleen Gurigeeda Balse Marwo Fosiyo oo ah Wasiirka Wasaarada arimaha dibada kuma aysan sugneyn Hoygeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda ay qaateen lacag aad u fara badan iyo Documentiyo yaalay aqalkeeda.

Magaalladda Muqdisho ayaa waxaa maalmahaani ka dilaacday Maafiyo hubeesan oo aan dadka waxba u dhaafeen , waxaana ay dadku ka Muujinayaan qalqal badan iyagoo ka cabsi qaba iney tuugadu dhibaateeyaan .

Aritan loogeestay Marwo Fosiyo waxa ay qeyb ka tahay dhibaatooyinka maalin walba loogeesto Shacab ku nool Magaalladda Muqdisho, iyadoona ay saameenta ugu badan ku yeelatay Mas’uuliyiinta Dowlada Soomaaliya.

Si Rasmi ah looma saadalin karo Ujeedka Burcada galay Hooyga Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia, balse waxa ay wararku sheegayaan in muddo Saddax maalin ka hor ay Burcadaasi kusoo laab-laabanayeen Agagaarka Hooyga Wasiiradda balse Nasiib daro uma aysan saamixin inay Hooyga kula kulmaan Wasiiradda.

W/Q:- Weriye:- Hassan Mohamed Hussein  (Mutawakil)

Muqdisho – Somalia

Contact me: Facebook xasan mutawakil maxamed

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed