1: Thursday, July 25, 2013 - 15:39:33
2: 550 Jeer.

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Boqolaal Ganacsato Soomaaliyeed ee ku nool South Africa laga xiraayo goobahooda shaqo.

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

uuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuhuiyu7yt76754434er

Iyadoo ay Ganacsatada Soomaaliyeed ee South Africa dadka Shacabku ay dil boob iyo dhac bareer si joogta ah ugu geysan jireen ayaa haatan waxaa Dowladu ay soo saartay awaamir looga xir xiraayo Dukaamada Soomaalida taasoo noqoneysa dhabar goynta inta ku hartay wadanka.

Gobolka Western Cape oo ay dhacdo Magaalo xeebeedka Capetown ayaa dowladiisu hoose waxa ay bilaabeen in dukaamada ku yaalla xaafadaha oo ay Soomaalidu ka kireysteen dadka wadaniga ah in ay ku soo rogeen sharciyo cusub kuwaas oo u muuqda kuwa aynan heli karin Soomaalidu oo iska horkeenaaya shaqsiga iskaleh dhulka ay kireysteen iyo dukaanlaha.

Soomaalida ayaa waxa ay ku dadaali jireen sida ay u sharciyeey lahaayeen ganacsigooda si ay dowlada uga nabad galaan,Balse sharcigaan lagu magacaabo LAND USE PERMIT ayaa ah mid aan kireystuhu dalban karin oo laga doonaayo milkiilaha dhulka .

Bishaan horraan teedi ayaa waraaqado digniin ah loo geeyay qaar kamid ah dukaanleyda Xaafada Bellville South taas oo ay ku xusneyd in ay bil gudaheeda ku helaan Permit kaas ama ay xiraan ganacsigaas.

Arinkaan ayaa dad dhanka shirciyada ku xeel dheer ku tilmaameen in uu yahay arin Siyaasadeed oo lagu xaalufinaayo Soomaalida isla markaana lagu hormarinaayo ganacsiga dadka deegaanka, waxaana la sheegay in ay wataan xisbiga Mucaaradka ah oo haatan ka arimiya gobalkaan ee la dhaho (democratic alliance (DA).

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed