2: 182 Jeer.
Maxaa ka jira in Barcelona heshiis gaar ah la gaartay Thiago Silva?
Waxaa Qoray: Hoos ka fiiri
Sida ay shaaca kaqaaday shabakada lagu magacaabo Sport waxay kooxda Barcelona heshiis la gaartay kabtanka xulka Brazil Thiago Silva kana tirsan naadiga PSG.
Mudo dheer ayaa lala xariirinaayay Barcelona daafacan waaya araga ah kana mid ah xidigaha ugu wanaagsan caalamka waxaana dabagal gaar ah ku haayay macalin Tito Vilanova oo aaminsan in Silva uu xalin karo dhibaatada Barcelona ka heesato daafaca gadaale.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Barcelona iyo Silva ay heshiis wada gaareen sidoo kalena arimo badan ay meel isla dhigeen waxaana haatan laga warsugaa sida ay kooxda Paris arintan uga jawaabi doonto inkastoo xidigan uu muujiyay rabitaankiisa ku aadan sidii uu garoonka Camp Nou uga cayaari lahaa xili cayaareedka nagu soo fool leh.
Waxaa la rumeesan yahay in 28-jirkan uu heshiiska shaqsiga ah la gaaray Barcelona wuxuuna ogolaaday inuu qalinka ku duugo heshiis 5-sano ah sidoo kalena wuxuu ku mushaar noqon doonaa xidigaha kala ah Xavi iyo Iniesta taasi oo ka dhigan inuu noqon doono cayaaryahanka labaad ee Barcelona ugu mushaarka badan marka laga soot tago Messi oo ah xidiga kooxdan ugu mushaarka badan.
Waxaa Qoray: Sakariye Cabdi
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨