Mario Balotelli oo ku dhawaaqay inuu iska guursanayo markan

Posted on Jun 10 2014 - 2:49pm by Mohamed Qadar Ibraahim Dahir
0

420679_heroa

Weeraryahanka AC Milan iyo xulka Italia Mario Balotelli ayaa si rasmi ugu dhawaaqay bartiisa Instagram inuu guursanayo saaxibadiisa ay mudada wada socdeen ee Fanny Neguesha.

Tani waa gabar Model ah oo u dhalatay wadanka Belgian,waana gabadha loo aaneynayo  iney wax ka badashay xoogaa dhaqankii waalida ahaa ee uu qabay yarka madow ee Italia.

Ileyn horey ayey soomaalida u tiri raaliyo ninkii helaa raganimo ku faanaaa, Fanny Negueshana qalbiga Mario waa ay hanatay.

Arintan ayuu daboolka ka qaaday ka hor kulanka furitaanka Koobka Adduunka ee England ay la ciyaarayaan Sabtida.

23 jirkan ayaa barta bulshada soo dhigay sawir isaga iyo gabadha u doonan ee Neguesha oo is dhaafsanaya fargalka ama faraantiga guurka.

Waxaa uu soo qoray ereyo ay kamid yihiin”,waxey itiri haa, waxa ugu muhiimsan ee nolasheydana waa haa,waan ku jeclahay,dhalasho wacan xaaskeyga ayaad noqoneysaa.

Labadan ruux ayaa soo wada socday tan iyo sanadkii 2013 inkastoo sanadkii hore in kooban ay ku kala tageen isku dhac.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author