Waxaa la daabacay: Wednesday, May 21, 2014 - 09:54:33
Waxaa la aqristay: 660 Jeer.

Mario Balotelli oo ka dalbanaya Maxkamada Brescia in fasax loo siiyo in gabadhiisa uu la kulmo

Waxaa Qoray:

sep

Weeraryahanka AC Milan Mario Balotelli ayaa kala arinsanaya saaxibadiisii hore ee Raffaella Fico inuu xuquuq u helo inuu la kulmi karo gabadhiisa yare e Pia,taas oo dhalan sidddeed bilood.

Wiilka Madow ee Italy ayaa diiday mar sii horeysay inuusan Pia aabaheed aheyn ilaa mardambe oo sanadkan tijaabo dhiiga oo la sameeyay lagu ogaaday inuu yahay aabaha gabadhan.

Mario Balotelli ayaa ka soo dabcay go’aankiisii hore waxaana galay jaceel waalid isagoo warbaahinta ka hor cadeeyay inuu yahay aabaha Pia uuna ka xunyahay wixii dhacay.

Waxa loo ogolaaday Balotelli in markii ugu horeysay uu qabto gabadhiisa gudaha maxkamada Naples.

Laamaanihii waqtiga uu kala geeyay ee Balotelli iyo Miss Fico ayaa tagay maxkamad ku taala magalaada Brescia una dhow Milan,waxaana Baloteli uu ka dalbanayaa maxkamada  in loo ogolaado in mar ala uu u baahdo gabadhiisa uu booqankaro maadaama uu haatan fasax u qabin taas.

Qareenka u doodaya Mario ee Alessandra Capuano ayaa ku kalsoon in ciyaaryahanka uu fursad u heli doono markale in gabadhiisa uu dhabta saarto ka hor inta uusan u duulin Brazil oo uu dhacayo koobka Adduunka.

Iyadoo og Raffaella Fico inkiraadii uu ku sameeyay Baloteli uurkeeda iyo gabadheeda hadana waxaa ay ka shaqeyneysaa in saaxibkeedii hore iyo aabaha gabadheeda ay maxkamada u ogolaato inuu la kulmi karo curadiisa Pia,Alla Muxuu jaceelka qiimo weenyahay.

Raffaella Fico ayuu uurkan ku soo baxay sanadkii 2012 markaas oo Baloteli uu ka tirsanaa Man City balse waa uu ku jees jeesay.

Raffaella Fico outside court: She and Balotelli have had an acrimonious relationship since she fell pregnant in Manchester in 2012, with the footballer claiming she told the papers about the pregnancy before him
Babymother drama: Mario Balotelli arriving at court in Brescia, Italy, for a custody hearing to determine how often he can care for his daughter Pia

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨