1: Saturday, July 13, 2013 - 13:26:59
2: 504 Jeer.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobey oo Digniin adag u diray Xukuumadda KMG Masar. (Waa maxay Digniintaasi).

Waxaa Qoray: Qadro Xusein

ferte7rtweiuclw

Dawlada dalka Mareykanka ayaa uga digtay Ciidamada dalka Masar in ay bartilmaansadaan oo xabsiga u taxaabaan Madaxda sare ee Xisbiga talada laga tuuray ee Ikhwaanka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa dhankiisa uga digay xukuumada iyo Ciidanka Masar in ay cid gaara bartilmaansadaan.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili ciidamada dalka Masar ay amar qabasho ah dul dhigeen Sagaal ka mida madaxda ugu sareysa Ikhwaanka oo uu ugu horeeyo Hogaamiyaha Xisbigaasi.

“Sida Qura ee wax ku shaqeynayaan waa iyada oo dhinacyada oo idil lagu dhiiri geliyo oo loo ogolaado in ay qeyb ka noqdaan siyaasada,waana sababta aanu u cadeynay in la iska xiro dadka in aaney aheyn wax aynu taageeri karo”. Sidaa waxa yiri Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Jim Carney.

Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki Moon ayaa isna dhankiisa u cadeeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar in aaney dhici karin in xisbi ama Bulsho midna la faquuqi karin.

Taageereyaasha Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar ayaa weli wada isu soo baxyo ay ku dalbanayaan in xilka dib loogu celiyo Maxamed Morsi.

Sidoo kale Mucaaridka ayaa dhankooda weli taageeraya go’aankii ciidamadu xilka uga tuureen madaxweyne Morsi.

Ugu dambeyntii QM iyo Maraykanka ayaa Ciiddamadda Masar ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan kusii deeyan Saraakiisha Ikhwaan Muslimiinta laga xiray.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed