2: 1,040 Jeer.
Maraykanka yey siin doonaan Abaalmarinta la dul dhigay Xassan Dahir Aweys .. Ma Dowlada Federalka, ma Odayaashii Dhaqanka mise…? (Warbixin xasaasi ah).
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Ammaanka, Sirdoonka iyo Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Abaalmarinta Dadka sida xooggan loo doondoonayo ee ku eedeysan Fal-dembiyeedyadda Argagixisadda ayaa kulamo khaas ah ka leh Qaabka ay u wajahi lahaayeen Dembiyadda la haysto Hoggaamiye-diimeedka Soomaalida ee Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasi oo muddo labo isbuuc ka hor loo soo gacan-geliyey Dowladda Federalka Somalia.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar Guddoomiye u ahaan jirey Ururkii Al-itixaad Islaamiyah iyo Ururkii Xsbul-islaam ayaa ah Hoggaamiye mayal-adag oo figta sare kaga jira Xubnaha ay QM iyo Maraykanka ugu baadi-doonka badan yihiin ee ka tirsan Hoggaamiyayaasha Ururka Alshabaab ee bahwadaagta la ah Ururweynaha Al-qaacida.
Qabashadda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa loo arkaa mid muhiimad u leh Caalamka, siiba QM, Maraykanka iyo dalalka deriska la ah Somalia, maadaama uu Hoggaamiyahaasi ku lug leeyahay dagaalladdii ka dhacay qeybo ka mid ah Somalia iyo xuduudaha dalalka deriska.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Kornel Xasan Dahir Aweys yahay Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Kooxaha Mayalka Adag ee Geeska Afrika, isla markaana uu Xilal Hoggaamin Milliteri ka soo qabtay Ururraddii Al-itaax Islaamiyah ee sannadihii 90-aadkii xoogga ku lahaa Gobalka Gedo, isla markaana uu Madixii Shuuradda ka ahaa Golihii Maxkamadaha Islaamka Somalia oo iyagu mar ku goodiyey inay xoog ku geli doonaan dalalka deriska.
Sidaasi oo ay jirto, ayey Dowladda Maraykanka waxay culayska saartay sidii Kooxaha Islaamiyiinta loo naafeeyn lahaa, taasi oo ugu dambeyntii sababtay inay Alshabaab noqoto mid jab weyn soo wajahay.
Dowladda Marykanka waxay kaloo Abaalmarin Lacageed dul dhigtay tiro ka mid ah Hoggaamiyayaasha ugu tunka weyn ee Kooxda Alshabaab, kuwaasi oo haatan badankooda dhuumaalaysi iyo Kala shaki ku nolol qaadanayo.
Waaxda Arriimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Abaalmarinta Dembiilayaasha loo haysto Falalka Argagixisadda, ayaa waxay iyagoo aan lacago bixinin waxay Akhbaar ku heleen in mid ka mid ah Madaxda Alshabaab ee lagu daba jiray la dilay, halka mid kalena gacanta Dowladda Somalia ku jiro.
Iska horimaadki bishii hore Maleeshiyadda Alshabaab ku dhex maray magaalladda Baraawe ayaa waxa lagu dilay Ibraahim Afgan oo ay isku hayb yihiin Hoggaamiyaha Alshabaab ee baxsadka ah Axmed Godane.
Sidoo kale, iska horimaadkaasi waxaa si dirqi ah uga soo baxsaday Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo isagu ugu dambeyntii baxsadkiisa sababay inuu dhex yurururo Xabsiga Habar Khadiija ee ku dhex yaalla Xarunta Dhexe ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya.
Maamulayaasha Maraykanka ayaa iyagu ku qanacsan Qabasashada Xasan Daahir Aweys, oo isagu miisaan weyn leh, loona arko inuu yahay Hoggaamiyaha Labaad ee ku-xiga Axmed Godane.
Saraakiisha Mukhaabaraadka ee Maraykanka ayaa waxay xoogga saareen sidii ay xog badan uga heli lahayd Hoggaamiyayaasha kale ee baacsiga lagu hayo ee ka tirsan Garabyadda Kooxda Alshabaab, kuwaasi oo firxad ahaan ugu nool dhulka kaymaha iyo Miyiga ee Koonfurta Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Sirdoonka Maraykanka, ayaa xooga saaraya sidii loogu soo gacan galin lahaa Xassan Dahir Aweys, waxa ayna Su’aal ka taagan tahay cidii ay siin lahaayen dhaqaalihii la duldhigay Xassan Dahir Aweys.
W/Q. Weriye:- Anwar Bakhiit
Soomaalidamaanta.com
Email:-
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨