1: Thursday, May 16, 2013 - 16:13:29
2: 721 Jeer.

MANUEL PELLEGRINI waxaan doonayaa in shan ciyaartooy aan ku soo biiriyo koxda MANCHESTER CITY .

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

malaga-dortmund

Tababare MANUEL PELLEGRINI ayaa la sheegay in iminka ay qorshaha ugu jirto in kooxda Manchester City  uu keeno ilaa iyo sha ciyaartooy ,maadaama iminka koxda City uu la galay heshiis laba sanadood ah uu ku sugnaan doono garoonka Etihad.

Ciyaaryahanka ugu horeeyo ee uu doonayo waa xidiga lagy magacaabo Isco kaasoo u safta kooxda uu had aka soo tagayo ee  Malaga star Isco.

Kooxda Malaga ayaa iminka heshiiska ay la leedahay ciyaaryahanka waxaa ka dhiman laba sanadood waxa uuna heshiis kiisa ku joojinkara marka laf ahaantiisa uu bixiyo £8.4m,markaas ayuu wadahadal bilaaban karaa..

City ayaa iminka waxa ay miiska soo saartay lacago gaaraya  £16.9m oo la raacsiinaayo ciyaaryahanka da’da yare e wadanka Spain ee Denis Suarez .

Sidoo kale ciyaartooyda uu doonayo Pellegrini waxaa ka mid ah kooxda Real Madrid xidigeeda Angel di Maria, oo lagu daray kooxda  Seville midka u safta ee Jesus Navas iyo ciyaaryahanka kale ee  Geoffrey Kondogbia.

Macalinkaan ayaa waxa uu indhaha ku hayaa ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund ay ku qiimeyso  £32m kana ciyaara garabka  Marco Reus ,kaasoo iminka kooxdiisa ay taagan tahay kama danbeysta koobka Champions League.

Pellegrini ayaa la sheegay in iminka heshiis ku kacaya £4.6m oo sanadki ah la galay kooxda City waxa uuna joogayaa labadanao ee soo socota haduu fiicnaado waa loo kordhinaa.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed