1: Friday, June 7, 2013 - 18:35:34
2: 385 Jeer.

Manchester United oo dib uheleysa Darren Fletcher

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

Darren-Fletcher-007
Xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Darren Fletcher ayaa lagu soo waramaya in uu qarka usaaran yahay in uu dib ugu soo laabto kooxda.

28 jirka wadanka Scotland oo olalihii United ee Premier League ka haray bishii December ayaa la sheegay in uu ka soo kabsaday qaliinkii lagu sameeyay.

Daily Star ayaa soo warisay in uu ku soo laabtay xerada tababarka ee Carrington uuna diyaar uyahay in uu kooxda uraaco safarada xiliga fasaxa.

Imaatinka Darren Fletcher ayaa caawin doonta qorshaha tababaraha cusub ee United David Moyes kaas oo si wanaagsan ugaranaya waxtarka laacibkan .

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed