2: 854 Jeer.
Man United oo isku badali doonta Everton
Waxaa Qoray: Mohamed Siidi
Kooxda ugu guulaha badan England ee Manchester United ayaa qarka usaaran in shaqalaheeda oo dhami noqdaan kuwa ka yimid kooxda Everton .
Tababaraha academy –da Everton Alan Irvine ayaa ku soo biiray xubnaha la wareegaya xilalka Old Trafford,waxaana ay la shaqeyn doonaan ,macalinka cusub ee United David Moyes.
Alan Irvine ayaa 2002-dii ilaa 2007 waxaa uu ku xigeen u ahaa David Moyes ka hor inta uusan noqon macalinka kooxaha Sheffield Wednesday iyo Preston,waxaase uu Everton dib ugu soo laaabtay 2011 ,waxaana loo magacabay macalinka academy –da Everton.
Kabtanka Everton Phil Neville ,macalinka kooxda koowaad Jimmy Lumsden iyo tababaraha gool hayayasha Chris Woods ayaa dhamantood ku soo biiri doona Old Trafford dhamaadka xagaagan ,sida ay sheegtay jariirada Daily Mail.
United ayaa lumisay Alex Ferguson ,ku xigeenkiisii Mike Phelan, tababarihii gool hayayasha Eric Steele iyo macalinkii kooxda koowaad Rene Meulensteen.
PAUL COLLINS oo sheekadan qoray ayaa aaminsan in Man United ay isku badali doonto Everton.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨