1: Tuesday, June 11, 2013 - 20:11:05
2: 433 Jeer.

Man City oo noqtay kooxda ugu badan ee bixisa mushaarka ciyaartooyda

Waxaa Qoray: Mohamed Siidi

pound
Kooxda Manchester City ayaa noqotay kooxda ugu sareysa aduunka xaga mushaarada la siiyo ciyaartooyda iyagoo ka sareeya koox walba sida lagu sheegay baaris cusub oo ay soo saareen koox baarta musharadka ciyaartooyda.

Isku cel celis ahaan kooxda Etihad Stadium ka dhisan ayaa la sheegay in bixiso asbuucii lacag dhan £100,764 taas oo ka dhigan in ay sanadkii bixiso £5,239,750.

City ayaa ku booday boosks sare iyadoo ka tagtay booska sadexaad oo ay sanadkii hore joogtay waxaana ay badashay Barcelona taas oo hada ku jirta booska 4 aad.

Kooxda LA Dodgers ee basketball-ka ciyaarta ayaa ku jirta booska labaad taas oo bixisa asbuucii lacag dhan £93,380 waxaana ay ka dhigan tahay in ay sanadkii bixiyaan £4,855,783.

Kooxda ugu guulaha badan ee England ee Manchester United ayaa hoos uga dhacday booskii sanadkii hore waxaana ay hada ku jiraan booska 12 aad.

Kooxda FA Cup-ka qaaday ee Wigan ayaa ku jirta booska 168 aad ,xili ay heerka labaad ulaabteen.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed