2: 311 Jeer.
Maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo watay Doonyo Sahay siday oo weerar adag kala kulmay Alshabaab
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Wararka naga soo gaarayo Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Dagaal halkaasi uu ku dhex maray Ciidamadamo taabacsanaa Alshabaab iyo Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa jasiirada Madhawa iyo Buurgaabo, waxaana la sheegayaa in leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona uu dagaalkaasi ka dhashay Khasaaro nafeed badan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba oo Watay Doonyo Sahay siday ay Weerareen kuwa Dagaallamayaasha Al-shabaab, waxaana halkaasi ka bilowday Weerar culus oo labada dhan saameeyay,inkastoo aan la sheegin Tirada dadka ku dhintay.
Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay guulo ka gaareen islamarkaana Ciidamo badan oo kuwa Jubba ah ay Dileen,Maamulka KMG Jubba wali wax war ah kama soo bixin.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨