Magacyada Xiddigaha Muslimiinta ee ku dhex soomi doona koobka Adduunka

Posted on Jun 12 2014 - 11:30am by Mohamed Qadar Ibraahim Dahir
2

 

walaa

Markii ugu horeysay 1986-dii ayaa la tilmaamayaa inuu isku soo beegmay koobka Adduunka iyo Bisha barakeysan ee Ramadan.

Waxaa jira sanadkan dhowr ciyaaryahano Muslimiin ah oo ka qeybgalaya koobka Adduunka xili ay rabaan iney gutaan waajiboodkooda diiniyan ee ah iney soomaan bishan.

Kolo Toure oo la dhashay Yaya Toure ayaa ugu baaqay ciyaaryahanada Muslimiinta ah ee ka qeybgalaya koobka Adduunka ineysan soonka iska furin oo waxaa uu yiri soonka ayaa karti badan iyo caafimaad laga helayaa.

Waxaa uu farta ku goday sanadkii hore in shanta maalmood ee hore uu soonka adagyahay laakiin jirka uu la qabsanayo wixii ka dambeeya.

Waa kuwan Liiska Xiddigaha Muslimiinta ee ka qeybgalaya koobka Adduunka ee doonaya iney soomaan.

Karim Benzema, Mamadou Sakho , Bacary Sagna, Yaya Toure , Kolo Toure, Gervinho, Cheick Tiote

Edin Dzeko , Marouane Fellaini , Moussa Dembele, Xherdan Shaqiri iyo Mesut Ozil.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

About the Author