2: 205 Jeer.
Madaxweyne Xassan Raisul wasaaraha iyo Wasiirka Gaashandhiga oo si siman uga hadlay Dagaalkii ka dhacay Kismaayo.
Waxaa Qoray: Qadro Xusein
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xasan Sheikh Maxamud oo ku sugan Magaallada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalkii maalinimadii shalay ka dhacay Deegaano hoostaga Magaalladd Kismaayo.
Madaxweynaha waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in Xilligaani ay dagaallo ka dhacaan Magaallada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Collaadaha iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah.
Madaxweynaha oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “ Waxaan tacsi kal iyo lab ah u dirayaa intii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay Kismaayo illaah ha u naxariisto waxa aana Alle uga baryaayaa inuu janadii ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan eebbe uga baryayaa in inta dhaawaca ahna uu u fududeeyo dhaawacooda.” Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Xassan Sheikh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay ka soo kabaneyno dagaaladii 22ka sano inay nasiib daro tahay in Soomaali dhexdeeda is disho, waxuuna yiri “ Waxaan ku baaqayaa in xasiloonida la wada illaaliyo oo nabadeynta laga wada shaqeeyo. Dagaal shacab baa nooga dhinta oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh.”
Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somalia Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo Dagaalkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ay si dag-dag ah u joojiyaan dagaalka wata Colaadaha.
Raisul wasaaraha oo Arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaan u soo jeedinayaa dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Kismaayo inay joojiyaan xabadda ayna ka wada hadlaan khilaafkaadka dhexyaala. Shacbiga iyo magaalada Kismaayo midkoodna kama bixi karo dagaal cusub, sidaas daraadeed waa inay labada dhinacba ka waantobaan in xalka qori caaradiis lagu raadiya,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakin Maxamud Xaji Faqi oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, kana dhigay cawaaqib xumada ka iman karta hadii dagaalku sii socdo.
“Waxaan ugu horeyn ku baaqayaa in dagaalka sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo. Waxaana ka digaynaa cawaaqib xumada colaadu deegaankaas u keeni karta, sida macaluul baahda iyo in amaanka oo faraha ka baxa,” Ayuu yiri Cabdixakin Faqi. Waxaana uu wasiirku intaas ku daray inay dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Kismaayo.
Ugu dambeyntii, Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in dhinacyada is hayaa wada hadal ku dhamaysataan khilaafkaadka jira.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN
BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨